Home Feedback Search Content Free Info Top 20 News Room Demographics

 

Home
Up

Amblyopia

 

Waa maxay caajiska isha?

 

CAAJISKA ISHA AMA AMBLYOPIA, WAA LUMISKA ARAGA INDHAHA OO AAN OKIYAALE SAXI KARIN. WAA XAALAD BILAABANTA CARRUURNIMADA. IN KA BADAN HALKIIBA 50KII CARRUUR AYAA QABA  AMBLYOPIA. HADDII LA DAAWEYN WAAYO, WUXUU SABABI KARAA IN ISHA DHIIBAATADA QABTO LUMISO ARAGA. AMBLYOPIA WAXAA SABABO WAXYAABO BADAN.  BADANAA, WUXUU DHACAA MARKII CUNUGGA INDHAHA KA CAWARAN YAHAY AMA INDHAHIISA ISKU TOOSI KARIN. MARKII HAL IL UU SI KA FIICAN MIDKA KALE WAX KU SHIISHI KARO WUXUU XITTAA SABABI KARAA AMBLYOPIA. HALKIIBA 20 CARRUUR EE DUGSIGA BILAABIN WAXAY QABAAN DHIBAATO INDHO OO SABABI KARO AMBLYOPIA. LABADA XAALADBA, HAL IL AYAA NOQONAAYO MID KA XOOG BADAN MIDKA KALE. ISHA XOOGA LEH AYAA BILAABAYO INUU QABTO HAWSHA ARAGA, ISHA TABARTA DARAN SI KA SII YAR AYAA LOO ISTICMAALI DOONAA. HADDII DHIIBAATADA LA XALLIN WAAYO, ISHA TABARTA DARAN AYAA SI KA SII YAR WAX U SII ARKI DOONO, ARAGA WUU SII XUMAAN DOONAA. OGAASHADA IYO DAAWEYNTA HOREY EE DHIBAATADA WUXUU XALLIN KARAA ARAGA ISHA CAAJISAN.

 

WAXAAD CUNUGGAAGA KA ILAALIN KARTAA LUMISKA ARAGA EE SABABEY AMBLYOPIA HADDII:

 

1. Aad fiiriso waxyaabaha tilmaamayo isha caajisan

 

2. Cunuggaaga laga baaro hal il markiiba

 

Waa maxay astaamaha lagu ogaado caajiska isha?

 

Dhibaatooyin kala duwan ayaa sababi karo caajiska isha.

Halkaan waxaa ku qoran qaar ka mid ah astaamooyinka lagu ogaado dhibaatada isha ee xiriir la lahaan karo caajiska isha ama dhibaato indho oo kale:

 

> Hal il oo midka kale laga jecel yahay

> Madaxa oo gees loo leexiyo

> Hal il oo keligii gees u baxo ama u dhaqaaqo markuu cunugga daalan yahay, jirran yahay ama joogo meel iftiin badan leh

> Cunuggaaga marar badan xiro hal il, gaar ahaan markii meel qorax leh joogo

> Indhaha xoqo

> Cunuggaaga indhaha si badan iskugu qabto

> Cunuggaaga waxyaabaha gacanta ku haayo u dhoweeyo ishiisa ama isheeda

 

Haddii aad aragto astaamooyinkaan ee dhibaatada isha iyo kuwo kale, cunuggaaga si deg-deg ah u gey takhtarka indhaha. Qaar ka mid ah carruurta qabo dhibaato indho ma muujiyaan wax astaamo ah.

 

Indhaha cunuggaaga ha la baaro

 

Xasuuso, daaweynta wuxuu si fiican u shaqeeyaa markii caajiska isha goor horey la ogaado. Indhaha cunuggaaga waa in la baaraa:

> Markuu dhasho ka dib

> Ka hor intuu dugsiga bilaabin (3 ama 4 jir)

> Intii uu dugsiga ka dhigto markii loo baahdo

 

Xannaanada isha ee joogtada ah wuxuu muhiim u yahay xittaa haddii cunuggaaga uusan muujinin astaamo inuu dhibaato indho qabo.

 

Si aad u hesho nuqul bilaash ah ee qoraalka Prevent Blindness

America’s Children’s Eye Health Position

Statement, wac 1-800-331-2020 ama u booqo

www.preventblindness.org.

 

WAA MAXAY SABABTA UU MUHIIM U YAHAY IN LA DAAWEEYO CAAJISKA ISHA?

 

Haddii la daaweyn waayo, “isha caajisan ” ee aan la isticmaalin wuxuu lumin doonaa araga. Kani wuxuu keeni doonaa indho la’aan joogto ah ee isha tabarta daran. Haddii amblyopia la daaweeyo ka hor intuu cunugga gaarin 3 jir, fursadaha lagu wanaajiyo araga aad ayey u fiican yihiin.

 

Markuu gaaro 6 ama 7 jir, araga cunuggaaga si buuxa ayuu u horumarsan yahay. Waqtigaas ka dib, waa adkaanayaa in la daaweeyo amblyopia.

 

Sidee ayuu takhtarka indhaha u daaweeya caajiska isha?

 

Marka koowaad, waa in takhtarka daaweeyo waxa sababey amblyopia.

Halkaan waxaa ku qoran qaar ka mid ah daaweynta caadi ahaan la sameeyo:

 

> Okiyaalaha waxay saxi karaan shiishida isha ama waxay caawin karaan indhaha aan isku toosmeynin.

> Qalliinka muruqa isha wuxuu ku caawin karaa toosinta indhaha haddii daaweynta kale wax ka qaban waayo. Qalliinka wuxuu labada indho ku caawin karaa inay isla shaqeeyaan.

> Layliga isha waxuu caawin karaa isha tabarta daran sidii hore si ka fiican in uu wax u arko.

 

Takhtarka waa inuu markuu daaweynaayo waxyaabaha sababey caajiska isha ku caawiya cunugga inuu isha tabarta daran xoog yeesho. Waxaa jiro habab kala duwan ee kani loo sameyn karo:

 

> Il-daboolida ama daboolida isha xooga leh wuxuu isha “caajisan’ ku qasbi doonaa inuu si xoog leh u shaqeeyo.

 

Cunuggaaga waxaa usbuucyo yar lagu xiri doonaa il-daboole usbuucyo yar ama bilo badan. Cunuggaaga wuxuu takhtarka indhaha ugu tagi doonaa si joogto ah si uu u eego haddii isha tabar darrada ah uu xoog yeelaanayo. Il-daboolida wuxuu si fiican u shaqeeyaa markuu cunugga yar yahay, laakin takhtarka wuxuu ku talin karaa in il-daboolka waqti walba la xirto.

 

> Daawooyin sida kuwa indhaha lagu dhibciyo ama bomaato ayaa la isticmaali karaa intii il-daboole la isticmaali lahaa si mugdi looga dhigo araga isha xooga leh.

> Okiyaalaha ama caagaha indhaha lagu dhejiyo waxaa xittaa loo isticmaali karaa in mugdi laga dhigo isha xooga leh, kaasoo ku caawinaayo in isha tabar darada ah si ka xoog badan u shaqeeyo.

 

Taageer daaweynta cunuggaaga

 

Haddii aad qabtid cunug leh amblyopia, asaga ama ayada waxay ka niyad jabi karaan daaweynta il-daboolka. Garo dhibaatada, iyo dulqaad lahow. Kani wuxuu daaweynta ka dhigi doonaa mid guul leh.

  

The Ohio Amblyope Registry (Diiwaanka Ohio ee Caajiska Isha) waxaa maalgeliyey:

Ohio Department of Health Bureau of Child and Family Health Services Save Our Sight Program

 (Waaxda Ohio ee Xafiiska Caafimaadka Adeegyada Carruurta iyo Qoyska iyo Barnaamajka Badbaadi Arageena)

Waxqabadyada maalinlaha waxaa sameeyo Isbitaalka Carruurta Columbus, Ohio Ophthalmological Society iyo Ururka Takhaatiirta Indhaha Ohio

Faallooyinkaaga, ra’yigaada iyo su’aalahaada waxaa loo diri karaa:

Ohio Amblyope Registry

Children’s Hospital

700 Children’s Dr.

Columbus, OH 43205

1-877-808-2422

This web site is funded by The Ohio Department of Health, Bureau of Child and Family Health Services, Save Our Sight Program.