|
|
|
Strabismus
Waa maxay Strabismus?
STRABISMUS WAA EREY LOOLA JEEDO INDHO AAN TOOSNEYN AMA AAN ISKU TOOSI KARIN. DHIBAATADAAN WAXAA SABABO MARKII MURQAHA INDHAHA ISLA SHAQEYNIN. KU DHOWAAN HALKIIBA 50 CARRUUR EE MAREYKANKA KU NOOL AYAA QABO STRABISMUS. BARKA CARRUURTAANI WAXAY KU DHASHTAAN XAALADDAAN. CUDUR AMA SHIL AYAA XITTAA SABABI KARO STRABISMUS. HADDII DHIBAATADA LA OGAAN WAAYO OO GOOR HOREY LA DAAWEYN WAAYO, WUXUU KEENI KARAA CAAJISKA ISHA (AMBLYOPIA) — LUMISKA ARAGA EE AAN OKIYAALAHA SAXIN.
WAA MAXAY SABABTA UU STRABISMUS U KEENO LUMISKA ARAGA?
Si loo horumariyo arag caadi ah, cunugga wuxuu u baahan yahay labo indhood oo caafimaad leh, labo indhood oo aragti fiican leh, oo si fiican iskula shaqeeyo. Haddii muruqa labada indhood aysan isla shaqeynin, maskaxda cunuggaaga wuxuu bilaabi karaa inuu iska indho tiro waxyaabaha uu ka arko isha aan si toos ah u fiirinin waxaa la shiishaayo. Markii maskaxda uu iska indho-tiro macluumaad uu ka arki karo hal il, ishaas ma horumarin doono aragti fiican.
Strabismus wuxuu xittaa wax-yeeleyn karaa dabeecadda cunugaaga. Haddii uu cunugga qabo dhibaato muqaal ee ka dareemsiin karo inuu ka duwan yahay carruurta kale wuxuu ku dhalin karaa dareen ceebaad ah.
Sidee ku ogaan karaa in cunuggeyga qabo strabismus?
1. Fiiri waxyaabaha tilmaamaayo in indhaha cunuggaaga isku toosneyn
2. Indhaha cunuggaaga ha la baaro
Eeg tilmaamo muujinaayo in indhaha cunuggaaga isku tooseynin
Cunug qaba strabismus wuxuu lahaan karaa indho u eeg kuwa sawiradaan:
Il gudaha u jeeda:
Il dibedda u jeeda:
Il kor u jeeda:
Il hoos u jeeda:
Dhallaanada
Cunug dhallaan ah waxaa loo maleen karaa in indhahooda iska war-wareegtaan ama noqdaan kuwo cawaran. Markii ay gaaraan 3 ilaa 4 bilood, indhaha cunugga waa inay iskula toosaan midba ka kale. Dhallaan 9-bilood jir ah waa inuu indhahiisa ku shiishaa wax u dhow ama ka fog.
DHALLAANADA GOOR DHOW DHASHEY WAA IN INDHAHOODA LA BAARAA INTII AY QAYBTA DHALIDDA EE ISBITAALKA KU JIRAAN.
Haddii aad cunuggaaga ku aragto indho cawaran ama dibedda u jeedo ka dib markii asaga ayada gaaro 3 bilood jir, cunuggaaga si deg-deg ah ugu gey takhtarka indhaha. Dhammaan carruurta waa in laga baaro indhahooda markii ay gaaraan 6 bilood jir.
3-4 SANO JIR
Sanadaha dugsiga ka hor ayaa xittaa cunuggaaga aad muhiim ugu ah. Eeg tilmaamada in indhaha cunuggaaga isku tooseynin ama il iskiisa ama indho melo kala duwan u kala jeeda.
5 JIR AMA KA WAYN
Markuu cunuggaaga gaaro 5 ama 6 jir, asaga ama ayada waxay wax u arki doonaan sida dadka wayn. Dhibaato indho oo la daweynin ka hor intii uu gaarin 7 jir wuxuu sababi karaa indho la’aan joogto ah.
Indhaha cunuggaaga ha la baaro
Daaweynta wuxuu guul leeyahay markii strabismus la ogaado markii uu cunugga da’ yar yahay.
Cunug walba waa in indhaha laga baaraa:
• Wax yar ka dib markuu dhasho • 6 bilood jir markuu noqdo • Ka hor intuu dugsiga bilaabin (3 ama 4 jir) • Intii uu dugsiga ka dhigto markii loo baahdo
Macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan baaritaanka araga carruurta, ka wac Prevent Blindness America 800.331.2020.
Sidee ayuu takhtarka indhaha u daaweeyaa strabismus?
Strabismus waxaaa sababi kara dhibaatooyin badan ee kala duwan, ay ku jiraan dhaawac, murqaha indhaha oo aan isku tooseynin, baahi loo qabo okiyaale, cudur ama kansarka isha.
Strabismus keligii ma iska bogsado. Waxaa loo baahan yahay in daaweyn indhaha lagu toosiyo. Takhtarka indhaha ayaa isticmaali karo daaweynta hoos ku qoran keligiis ama ayagoo la socdo daaweyn kale, xulashada waxay ku xiran tahay nooca strabismus iyo waxa sababey.
OKIYAALE
Okiyaalaha waxay fiicnayn karaan shiishidda oo waxay toosin karaan indhaha.
IL-DABOOLE
Takhtarka wuxuu qaadi karaa tallaabooyin sidii uu cunugga ugu caawiyo inuu isticmaalo isha daciifka ah. Waxaa ilmaha qasab ku noqon karta in isha ta kale ka fiican uu saaro il-daboole si uu u xoojiyo isha ta kale ka daciifsan.
DAAWO
Daawada sida kuwa indhaha lagu dhibciyo ama boomatata indhaha waxay mugdi ka dhigi karaan araga hal il. Daaweyntaan waxuu beddel u ahaan karaa il-daboole. Dhibicyo kala duwan ayaa la isticmaali karaa si loo beddelo okiyaalaha ama si loo kordhiyo tamarta okiyaalaha.
QALLIIN
Qalliinka muruqa isha wuxuu ku caawin karaa toosinta indhaha.
LAYLIGA INDHAHA
Takhtarka wuxuu kugu talin doonaa layliga isha qabo strabismus qalliinka ka hor ama ka dib.
XASUUSO IN DAAWEYNTA AAD GUUL U LEEYAHAY HADDII STRABISMUS LAGU OGAADO CUNUGA MARKUU YAR YAHAY.
The Ohio Amblyope Registry (Diiwaanka Ohio ee Caajiska Isha) waxaa maalgeliyey: Ohio Department of Health Bureau of Child and Family Health Services Save Our Sight Program (Waaxda Ohio ee Xafiiska Caafimaadka Adeegyada Carruurta iyo Qoyska iyo Barnaamajka Badbaadi Arageena) Waxqabadyada maalinlaha waxaa sameeyo Isbitaalka Carruurta Columbus, Ohio Ophthalmological Society iyo Ururka Takhaatiirta Indhaha Ohio Faallooyinkaaga, ra’yigaada iyo su’aalahaada waxaa loo diri karaa: Ohio Amblyope Registry Children’s Hospital 700 Children’s Dr. Columbus, OH 43205 1-877-808-2422
|