Home Feedback Search Content Free Info Top 20 News Room Demographics

 

Home
Up

Astaamaha dhibaatooyinka Suurtogalka ah ee Indhaha Carruurta

 

Haddii cunuggaaga muujiyo hal ama ka badan astaamaha hoos ku qoran, ayada ama asaga isla markiiba gey takhtarka indhaha.

 

Sidee u ek yihiin indhaha cunuggaaga?

> Indhaha aan toosneyn, hal il ka cawaran ama loo maleeyo inuu hal il dibedda u jeedo

> baalaha indhaha oo casaan ka ah geesaha, malax leh ama barraran

> indhaha uu biiyo ka socdo ama casaan ah

 

Muxuu sameeyaa cunuggaaga?

> wax badan ayuu indhaha xogaa

> wuxuu xiraa ama daboolaa hal il

> madaxa gees u jeediyo ama horey u dhaqaajiyoa

> dhibaato ku qabo akhriska ama sameeyo hawlo kale ee si soke loo fiirsho ama alaabta ku haayo meel u dhow indhaha sidii uu u arko

> Il-isku qabad ka badan sida caadiga ah ama xanaaqo markii u qabanaayo shaqo u baahan in si soke loo fiirsho

> waxyaabaha u arko mugdi ama dhibaato ku qaba aragga

> yareeyo indhaha si u wax u arko

 

Muxuu cunuggaaga sheegaa?

> “Indhaheyga ayaa i cun-cunaaya,” “Indhaheyga ayaa i gubanaaya”

> “Kaasi si fiican uma arki karo”

> Ka dib markuu cunuggaaga sameeyo hawl si soke loo fiirsho, cunuggaaga ku dhaho

“Waxaan dareemayaa jaah-wareer,” “Waxaana dareemayaa labo-labo” ama

“Madaxa ayaa i xanuunaayo.”

> “Wax walba waa ii mugdi,” ama “Waxyaabaha waxaan ku arkaa laban-laab.”

 

Cunuggaaga wuxuu weli lahaan karaaa dhiibaato indho xittaa haddii asaga ama iyada waxba ka sheegin indhaha ama uusan muujinin astaamo aan caadi eheen. 

 

Caajiska isha (Amblyopia)

 

Caajiska isha, ama loo yaqaano amblyopia, waa lumiska araga indhaha ee aan okiyaalaha saxi karin. Cawaranka indhaha, indhaha aan isku toosi karin ama hal il oo midka kale si ka fiican wax u shiishi karo ayaa sababi karo amblyopia.

 

Astigmatism

 

Astigmatism wuxuu dhacaa markii qaybta horey ee isha, qaybta arag-gudbiyaha isha uu qaabkiisa caadi eheen. Carruurta qaba astigmatism waxay qaadi ahaan si ka fiican u arkaan xariiqyada taagan markii loo barbardhigo xariiqyada siman.

 

Indhoole u ahaanta midabyada

 

Carruurta indhoole ka ah midabka dhab ahaan midabyada indhoole kama ahan. Laakin waxay dhibaato ku qabaan ogaashada qaar ka mid ah midabyada.

 

Aragti dheer (Hyperopia)

 

Xaaladdaan, balooniga isha ayaa gaaban mana awoodo in waxyaabaha u dhow sii fiican u shiisho. Sidaas awgeed  waxyaabaha soke ayaa mugdi-mugdi noqon kara

 

Aragti dhowi (Myopia)

 

Myopia, balooniga isha ayaa aad u dheer mana awoodo in waxyaabaha ka fog si fiican u shiisho. Sidaas awgeed, waxyaabaha fog ayaa mugdi-mugdi noqon kara.

 

Strabismus

 

Strabismus waa erey lagu magacaabo indho aan toosneyn ama isku toosi karin. Haddii dhibaatada la daaweyn waayo, waxay sababi karaan amblyopia.

 

The Ohio Amblyope Registry (Diiwaanka Ohio ee Caajiska Isha) waxaa maalgeliyey:

Ohio Department of Health Bureau of Child and Family Health Services Save Our Sight Program

 (Waaxda Ohio ee Xafiiska Caafimaadka Adeegyada Carruurta iyo Qoyska iyo Barnaamajka Badbaadi Arageena)

Waxqabadyada maalinlaha waxaa sameeyo Isbitaalka Carruurta Columbus, Ohio Ophthalmological Society iyo Ururka Takhaatiirta Indhaha Ohio

Faallooyinkaaga, ra’yigaada iyo su’aalahaada waxaa loo diri karaa:

Ohio Amblyope Registry

Children’s Hospital

700 Children’s Dr.

Columbus, OH 43205

1-877-808-2422

This web site is funded by The Ohio Department of Health, Bureau of Child and Family Health Services, Save Our Sight Program.