|
Home Application Form Amblyopia Play it Safe Signs of Eye Problems Misaligned Eyes 2 Your Child's Sight Free Patches Application
| |
|
Miyuu cunuggaaga qabaa caajiska isha?
Ohio
Amblyope Registry ayaa ku caawin karo.
Macluumaad • Waxbarasho • Gargaarka Maamulka Arrinta • Iloyiin |
|
|
|
Ku
caawinta indhaha caajiska ah sidii ay u noqdaan indho caafimaad-qab leh |
|
|
|
Waa maxay Amblyopia?
Amblyopia, oo xittaa lagu magacaabo caajiska isha, waa lumiska araga hal
il ama labada indho kaaso caawinin okiyaalaha keligiisa iyo leheen
sabab si fudud lagu macneyn karo lumiska araga. Caajiska isha waa
sababta ugu wayn ee carruurta u lumiyaan araga, wuxuuna wax-yeeleeya 4
carruur 100kiiba. Carruur badan ee qaba caajiska isha ma muujin doonaan
inay isha dhibaato ka qabaan.
Sababaha caajiska isha waxaa ka mid ah:
• Indho
oo isla dhinac u jeedo, • Shiishid kala duwan ee labada indho (hal il oo
si soke wax u arko midka kalena meel fog arko), • Dhibaatooyinka wax
shiishka isha (sida aragti dheeri, astigmatism iyo arag dhowi).
Waa
laga hortegi karaa lumiska araga ee sababo caajiska isha.
Daaweynta amblyopia ee guul leh ayaa si ka fiican loogu sameyn karaa
carruurta ka yar 7 jir. Iyo, cilmi-baar goor dhow la qabtey wuxuu
muujiyey in horumar dhici karo inta u dhexeyso 7 iyo 17 sanadood. |
|
|
|
Waa
maxay barnaamajka Ohio Amblyope
Registry?
Ohio
Amblyope Registry (Diiwaanka Amblyope ee Ohio) waa barnaamaj gobolada oo
dhan laga qabto ee carruurta ku caawiyo caajiska isha, qoyskooda, iyo
takhtarkooda indhaha. Barnaamajka wuxuu bilaash u yahay cunug walba ee
ka yar 18 jir, wuxuuna u xadidan yahay oo kaliya dadka ku nool gobolka
Ohio. Waa in cunugga takhtarka indhaha ku ogaadaa inuu qabo caajiska
isha. |
|
|
|
Barnaamajka waxaa maalgeliyey Khasnadda Carruurta Waaxda Caafimaadka
Ohio ee Badbaadi Arageena, sidii loo hubiyo in carruurta Ohio qabaan
arag fiican iyo indho caafimaad-qab leh. Barnaamajka wuxuu lacag helaa
markii deganayaasha Ohio ay Xafiiska Gaadiidka ka cusbooneysiiyaan
taargada baaburka. |
|
|
|
Maxaa
dhacaayo markii aan diiwangeliyo cunugeyga?
Markii
aad cunuggaaga ku diiwangeliso Ohio Amblyope Registry waxaad heli
doontaa:
•
Buug-yare bilaash ah ee ku saabsan caajiska isha, nabadgelyada insha,
dhibaatooyinka indhaha ee caadi ahaan dhaco iyo araga carruurta, •
Hadiyad hal mar ee il-daboole haddii cunuggaaga lagu sameeyo daaweynta
il-daboolka • Warqado si joogto laguu soo diro ee ku saabsan xasuusinta
ballamada takhtarka indhaha cunuggaaga (markii la codsado oo kaliya).
Haddii
aad u baahan tahay in lagugu caawiyo si aad u hesho takhtarka indhaha ee
gobolka Ohio ku baaro iyo daaweeyo carruurta qabo caajiska isha, fadlan
u booqo bogga “Find an Eye Doctor (Hel Takhtarka Indhaha)” cinwaanka
boggeena internetka waa www.OhioAmblyopeRegistry.com.
Dhammaan macluumaadka uu helo Ohio Amblyope Registry waxaa lagu
keydinaaya si sir ah. |
|
|
|
Miyaan
caawinaad ku heli karaa bixinta Baaritaanka ama Daaweynta Isha
Cunugeyga?
Haddii
aad u baahan tahay in lagugu caawiyo bixinta kharashka baaritaanka ama
daaweynta takhtarka ee caajiska isha cunuggaaga, marka koowaad la hadal
takhtarka indhaha cunuggaaga. Kadibna, waxaad la xiriiri kartaa waaxda
caafimaadka deegaankaaga ama Ohio Amblyope Registry si aad u ogaato
barnaamijyo kale. |
|
|
|
Qoysaska dhakhligooda hooseeyo qaba waxay awoodaan inay il-daboole
bilaash ah ka helaan Ohio Amblyope Registry.
La
xiriir Ohio Amblyope Registry sidii aad u weydiiso foomka “il-daboolaha
bilaashka ah” ee aad buuxin karto. Il-daboolayaasha bilaashka ah waxaa
xittaa laga codsan karaa boggaa internet ee Ohio Amblyope Registry, ka
eeg goobta ku qoran “Financial Assistance (Gargaarka Maliyadeed)”. |
The Ohio
Amblyope Registry (Diiwaanka Ohio ee Caajiska Isha) waxaa maalgeliyey:
Ohio Department
of Health Bureau of Child and Family Health Services Save Our Sight Program
(Waaxda Ohio
ee Xafiiska Caafimaadka Adeegyada Carruurta iyo Qoyska iyo Barnaamajka Badbaadi
Arageena)
Waxqabadyada
maalinlaha waxaa sameeyo Isbitaalka Carruurta Columbus, Ohio Ophthalmological
Society iyo Ururka Takhaatiirta Indhaha Ohio
Faallooyinkaaga, ra’yigaada iyo su’aalahaada waxaa loo diri karaa:
Ohio Amblyope
Registry
Children’s
Hospital
700 Children’s
Dr.
Columbus, OH
43205
1-877-808-2422
| This web site is funded by The Ohio
Department of Health, Bureau of Child and Family Health Services, Save
Our Sight Program. |
|