|
|
|
Daryeel araga cunuggaaga!
ARAGA FIICAN WUXUU CUNUGGAAGA KU CAAWINAAYA INUU WAX DUNIDA KU SAABSAN BARTO. DHIBAATOOYINKA ARAGA CUNUGGAAGA WUXUU BILAABAN KARAA MARKII AY DA’ YAR YIHIIN. QAAR KA MID AH DHIBAATOYINKAAN WAXAY ARAGA CUNUGGAAGA KU SABABI KARAAN DHAAWAC QOTO DHEER HADDII LA OGAANIN oo LA DAAWEYNIN GOOR HOREY. ARAGA WUU HORUMARAA oo WUU IS-BEDDELAA MARKUU CUNUGGA WEYNAANAAYO. DARYEELKA ARAGA CUNUGGAAGA LAGA BILAABO MARKUU DHASHO WUXUU QAYB KA YAHAY KU CAAWINTA CUNUGGAAGA KORITAANKIISA IYO HORUMARKIISA. WAXAA JIRO LABA HAB EE AAD CUNUGGAAGA KU CAAWIN KARTO INUU NOLOSHIISA ARAGIISA FIICNAADO: 1. ARAGA CUNUGGAAGA HA LA BAARO. 2. OGOW ASTAAMAHA DHIBAATOOYINKA INDHAHA.
Gormee ayaan cunuggeyga u geeyaa takhtarka indhaha?
Badanaa dhibaatooyinka indhaha waa la toosin karaa haddii mar horey la ogaado oo la daaweeyo. Daryeelka indhaha wuxuu muhiim u yahay haynta arag fiican. Qaar ka mid ah dhibaatooyinka, haddii la daaweynin—xittaa muddo yar—waxay sababi karaan arag la’aan joogto ah.
6 ILAA 12 BILOOD
Inta u dhexeyso 6 bilood iyo 1 sano jir, ilmaha yar waa in takhtarka ama bixiyaha caafimaadka oo kale ee si haboon loo tababarey ka baaro caafimaadka indhahooda markii la qabanaayo xannaanada ilmaha ama booqashoyinka xafiiska takhtarka.
DA’DA 3–4
Sidoo kale, araga carruurta waa in la baaraa inta u dhexeyso da’da 3 jir iyo 4 jir, markii la sameynaayo booqashada takhtarka ee caafimaadka cunugga, booqashada takhtarka indhaha ama baaritaanka indhaha ee uu sameeyo xirfadle tababaran sida kuwa sameeyo ururka Prevent Blindness America.
Macluumaad ku saabsan baaritaanka indhaha carruurta ee laga qabto meesha aad ku nooshahay, wac 800.331.2020 ama u booqo boggeena internet, preventblindness.org.
INTII UU CUNUGGAAGA KA WEYNAANAAYO
Baaritaanyo dheeraad ah ee indhaha waxaa laga qaban karaa dugsiga ama marar kale. Qaar ka mid ah takhaatiirta indhaha waxay ku taliyaan in carruurta lagu sameeyo baaritaanyo indho ee buuxa, takhaatiiro kalena waxay ku taliyaan inay baaritaanyadaas indhaha ee joogtada ah loo baahneyn in lagu sameeyo carruurta aan muujinin inay dhibaato ka qabaan indhaha.
Da’ walba , haddii waalid u maleeyo dhibaato arag ama cunugga ku arko astaamaha dhibaato arag, waa in cunugga helo xannaano xirfadeysan indho ee deg-deg ah ayadoo la eegin natiijada baaritaanka ama baaritaanyo indho ee kale.
Baaritaanyada indhaha oo xirfadeysan waxay badanaa qabaan baaritaanyo badan ee lagu qiimeeyo caafimaadka indhaha, heerkooda araga (aragti dheeri, arag dhowi, astigmatism), visual acuity, toosinta iyo xukunka muruqa, isla shaqeynsiinta labada indho iyo araga midabyada. Tiknolojiyada maanta, waxaa lagu qiimeyn karaa araga ilmo yar.
MIYEEY QAAR KA MID AH CARRUURTA DHIIBAATO GAAR AHAAN UGU LAHAAN KARAA INDHAHA?
Haa. Takhtarka cunugaaga waa inuu ogaadaa waxyaabaha soo socdo ee badinaayo fursadda inuu cunuggaaga dhibaato ku qabo indhaha: > Cunuggaaga dhashey waqtigii la rabey ka hor > Qoyskaaga ku qabtiin dhibaato indho (sida cataract ee ilmanimada, caajiska isha, indho aan toosneyn ama kansarka indhaha) > Cunuggaaga ku dhacey dhaawac indho (dhibaato ka yimid dhaawaca indhaha ilmanimada waxay sii xumaan karaan waqti dambe ee nolosha)
Haddii cunuggaaga qabo qaar ka mid ah xaaladahaan, asaga ama ayada u gey takhtarka indhaha.
Waa maxay astaamaha dhibaatooyinka indhaha?
Waxaa jiro astaamo cunuggaaga muujin karo oo loola jeedo inuu asaga ama ayada dhibaato ku qabaan indhaha. Haddii cunuggaaga muujiyo hal ama ka badan astaamaha hoos ku qoran, ayada ama asaga dhawaan u gey takhtarka indhaha.
SIDEE U EEG YIHIIN INDHAHA CUNUGGAAGA?
> indhaha aan isku toosneyn, hal il ka cawaran ama loo maleeyo inuu dibedda u jeedo > baalaha indhaha oo casaan ka ah geesaha, malax leh ama bararan > indhaha uu biyo ka socdo ama casaan ah (bararan)
MAXUU SAMEEYAA CUNUGGAAGA? > wax badan ayuu indhaha xogaa > xiro ama daboolo hal il > madaxa gees u jeediyo ama horey u dhaqaajiyo > dhibaato ku qabo akhriska ama sameeyo hawlo kale ee si soke loo fiirsho ama alaabta ku haayo meel u dhow indhaha sidii uu u arko > il-isku qabad ka badan sida caadiga ah ama xanaaqo markii u qabanaayo shaqo u baahan in si soke loo fiirsho > waxyaabaha u arko mugdi ama dhibaato ku qaba araga > yareeyo indhaha si u wax u arko
MUXUU CUNUGGAAGA SHEEGAA? > “Indhaheyga ayaa i cun-cunaaya,” “Indhaheyga ayaa i gubanaaya” ama “Indhaheyga waxaan ka dareema xagtin.” > “Kaasi si fiican uma arki karo” > Ka dib markuu cunuggaaga sameeyo hawl si soke loo fiirsho, cunuggaaga ku dhaho “Waxaan dareemayaa jaah-wareer,” “Waxaana dareemayaa labo-labo” ama “Madaxa ayaa i xanuunaayo.” > “Wax walba waa ii mugdi,” ama “Waxyaabaha waxaan ku arkaa laban-laab.”
Waxyaabaha la xasuusto
Qaar ka mid ah dhibaatooyinka araga waxaa lagu ogaadaa markii la fiirsho habka uu cunugga u dhaqmo ama sida uu indhihiisa ama indhaheeda u eeg yihiin. Cunuggaaga wuxuu weli lahaan karaaa dhibaato indho xittaa haddii asaga ama iyada waxba ka sheegin indhaha ama uusan muujinin astaamo aan caadi eheen.
Carruurta badankooda waxay aaminsan yihiin in habka ay wax ku arkaan uu yahay sida qof walba wax ku arko—xittaa haddii aragtidooda uu yahay mid mugdi ah, laban-laab, ama ay wax ka arki karaan hal il oo kaliya. Habka ugu fiican ee aad ku ogaan karto haddii araga cunuggaada caadi yahay waa markii si joogto ah lagu sameeyo baaritaanka indhaha.
Sidee ayuu takhtarka indhaha u daaweyn doonaa dhibaatada isha ee cunuggeyga?
Xirfadlayaasha indhaha waxay isticmaalaan daaweyn badan ee kala duwan sidii ay u saxaan dhibaatooyinka indhaha. Daaweynadaan waxaa la isticmaali karaa keligooda ama markii la isku keeno:
OKIYAALE
Okiyaalaha waxay cunuggaada ku caawin karaan in ay si cad wax u arkaan xitta haddii asaga ama ayada qabaan xaaladaha indhaha ee lagu magacaabo aragti dheeri, aragti dhowi ama astigmatism. Waxay saxi karaan dhibaatooyinka shiishka ama xalin karaan isha gees u leexday.
DAAWO
Daawooyinka, sida dhibicyada indhaha lagu shubo ama boomaatada waxaa loo isticmaali karaa si lagu daaweeyo bukashada, cudurka glaucoma iyo marmar indhaha cawaran ama caajiska isha.
IL-DABOOLE
Il-daboolida hal il waa caadi markii la daaweynaayo amblyopia (caajiska isha).
QALLIIN
Qalliinka ayaa loo baahan karaa si loo baxsho jirrada bisha isha ama si loo yareeyo cadaadiska gudaha isha ee sababey cudurka glaucoma. Qalliinka wuxuu xittaa saxi karaa indhaha cawaran ama isha aan si fiican isugu toosneen.
LAYLIGA INDHAHA
Layliga indhaha (orthoptics) wuxuu wanaajin karaa shiishka iyo wuxuu caawin karaa in indhaha si fiican u dhaqaaqaan ama u shaqeeyaan.
The Ohio Amblyope Registry (Diiwaanka Ohio ee Caajiska Isha) waxaa maalgeliyey: Ohio Department of Health Bureau of Child and Family Health Services Save Our Sight Program (Waaxda Ohio ee Xafiiska Caafimaadka Adeegyada Carruurta iyo Qoyska iyo Barnaamajka Badbaadi Arageena) Waxqabadyada maalinlaha waxaa sameeyo Isbitaalka Carruurta Columbus, Ohio Ophthalmological Society iyo Ururka Takhaatiirta Indhaha Ohio Faallooyinkaaga, ra’yigaada iyo su’aalahaada waxaa loo diri karaa: Ohio Amblyope Registry Children’s Hospital 700 Children’s Dr. Columbus, OH 43205 1-877-808-2422
|